Home » Europe » Champions League » Jose Mourinho Oo Markii Ugu Horeesay Dhaliilay Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers

Jose Mourinho Oo Markii Ugu Horeesay Dhaliilay Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers


jose

Macalin Jose Mourinho ayaa si lama filaa an dhaliil dusha uga tuuray ninka ay saaxiibada yihiin Brendan Rodgers kaasi oo hogaamiyo naadiga Liverpool.

Mourinho ayaa macalinkan ku dhaliilay inuusan cayaarsiinin xidigaha Liverpool joogtada ugu cayaaraan kulankii ay kooxdan guuldaro 1-0 kala kulantay naadiga Real Madrid wuxuuna Jose yiri “Hadii aan ogahay inaan kulan guuleesan karin dabcan gurigeyga ayaan iska joogi lahaa ee diyaarad meel fog uma soo raaceen”

“Waa nasiib daro Rodgers inuu kalsooni xumo kooxdiisa galiyo sidoo kalena uu qiimo dilo koobka horyaalada Yurub”

“Kama xumi inuu cayaartooydiisa muhiimka ah nasiyo balse waxaan ka xumahay in Liverpool oo koox weyn ah inuu ka dhigo naadi maskiin ah oo ka cabsaneyso Real Madrid”

Macalin Brendan Rodgers ayaa nasiyay xidigaha kala ah Coutinho, Steven Gerrard, Mario Balotelli, Jordan Henderson iyo kuwo kale kulankii Liverpool Madrid la cayaartay wuxuuna macalinkan u dhigtay laacibiintan inuu sabtiga kooxda Chelsea kala hortago kulan ka tirsan Premiership-ka England.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>