Macalin Jose Mourinho ayaa saxaafada u cadeeyay in kooxdiisa Chelsea aysan weli ka quusanin soo xero galinta daafaca dhalinta yar Rapheal Varane, inkastoo xidigan dhawaan u heshiis waqtigiisa dheer yahay u saxiixay Real Madrid.
Mourinho oo la hadlaayay wargeska Daily Mail wuxuu yiri “qof walbo wuxuu ka hadlaa Varane inuu Chelsea imaan doono waayo waxay og yihiin inaan aad u jecel lahay xidigan”
“Inkastoo aan saxiixiisa ku raad joogno hadana waxaan ogahay in Real Madrid uu baaqi kusii ahaan doono waayo uma maleynayo in Madrid ay wiilkan si sahal ah u fasixi doonto”
21-jirkan daafaca dhexe kaga cayaaro xulka France ayaa xiriir wanaagsan la leh Mourinho madaama uu yahay macalinkii soo bar baariyay sidoo kalen caalamka baray, sidaa darteed la yaab ma ahan in Mourinho uu saxaafada ka hor qirto jaceelka uu daaacan tayada wanaagsan u qabo.
Wararka qaar ayaa sheegayo in Chelsea ay daafacan lasoo saxiixan doonto marka uu xili cayaareedkan dhamaado si uu booska kabtan John Terry u buuxiyo balse lama hubo in Madrid ay Varane si sahal ah ku fasixi doonto.