Macalin Jose Mourinho ayaa meesha ka saaray in dhigiisa Arsene Wenger uu yahay shaqsi ay xifaaltamaan madaama Mourinho 12-kulan ee uu Wenger ka hor imaaday marnaba dhinaciisa dhulka la dhigin.
“Aniga ahaan Wenger ma ahan shaqsi aan xifaaltano, sidaana uma arko waa macalin naadig weyn hogaamiyo oo ka dhisan magaalada aan ka shaqeeyo sidoo kalena isku afdhaaf ayaan nahay”
“Madaama aan hal magaalo wada joogno sidoo kalena hal hadaf aan leenahay dabcan tartan wuu naga dhaxeeyaa balse kama duwano tartankaas midkii aan kusoo arkay Madrid markii aan Real Madrid macalin u ahaa”
Inkastoo Mourinho 12-kulan oo Wenger ka hor imaaday laga badinin hadana wuxuu sheegay in iskoorkaas uusan ku faaneyn.
“Ma doonayo wixii horey noo dhex maro inaan ka hadlo muhiimada waxay tahay kulan aan wada yeelan doono midkaas oo go’aamin karo hanasha horyaalka England”
Chelsea hadii dhigeeda Arsenal ka badiso 13-dhibcood ayay hogaanka EPL ku qaban kartaa sidoo kalena waxay ku dhawaanee inay horyaalka hanato wixii ka dambeeyo kulanka axada.