Home » Maxaa Cusub » Jose Mourinho “Xiriirka Kubada Cagta France Waa Inay Ii Mahad Celiyaan!!”

Jose Mourinho “Xiriirka Kubada Cagta France Waa Inay Ii Mahad Celiyaan!!”


Jose Mourinho

Macalinka kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa ku abaal sheegtay xiriirka kubada cagta dalka France wuxuuna ka doonayaa inay u mahad celiyaan.

Macalin Mourinho ayaa ka dhawaajiyay in daafacyada dhalinta yar ee u dhasheen dalka France Kurt Zouma iyo Raphael Varane uu isaga soo gacan qabtay sidoo kalena caalamka baray.

Jose isaga ayaa Varane lasoo saxiixday markii uu kooxda Real Madrid macalin u ahaa wuxuuna ka dhigay daafac aad u tayo wanaagsan oo haatan si joogto ah xulka France ugu cayaaro.

“Xiriirka kubada cagta France waa inay warqad mahad celin ah ii soo qoraan madaama sababtoo ah waxay heestaan labada daafac ee aduunka ugu wanaagsan ayagoo dhalin yar midaasna aniga ayaa u sabab ah”

“Ayagoo ah daafacyo aad u dhalin yar hadana Zouma iyo Varane waxqabadkooda aadbuu u sareeyaa waxaana rajeynaa labada sano ee nagu soo fool leh inay kubada cagta ka gaaraan heerkii ugu sareeyay”

“Waxaan hubaa in tababare Diduer Deschamps uu aad u faraxsan yahay marka waa inaan mahad celin ka helaa xulka France”

Jose Mourinho oo ah tababare aan hadalka la gambanin ayaa kaftan mudan in laga jawaabo hoosta ugu dhigay xiriirka kubada cagta dalka France.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>