Home » Maxaa Cusub » Jose Mourinho ” Zouma Waa Xidigga Kaliya Ee Badali Kara John Terry “

Jose Mourinho ” Zouma Waa Xidigga Kaliya Ee Badali Kara John Terry “


1036042_heroa

Macalinka Kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa amaanay Daafaca kooxdiisa Kurt Zouma isagoo sheegay inuu noqon doono xidigga Badalaya Kabtanka Chelsea  John Terry .

Zouma ayaa xirfadiisa Chelsea ku Bilaabay Qaab Soo Jiidasho Leh, wuxuuna u saftay  ilaa 17 Kulan tartamada oo dhan waana xilli cayaareedkii ugu horeeyey ee suu si buuxda u safto tan iyo markii lagala soo wareegay Kooxda  Saint-Etienne sanadkii 2014

Mourinho ayaa aaminsan In Xidigaan 20 Jirka ah uu ka duwan yahay Terry oo isku diyaarinaayo inuu kooxdiisa u saxiixo Heshiis cusub oo uu kusii joogi doono garoonka Stamfrod Bridge, Laakiin wuxuu qiray in Uu Zouma  noqon doono xidigga buuxi doono booska Terry.

” Terry iyo Zouma way kala duwan yihiin, Laakiin Mararka Qaar waxaad arki kartaa Inay Is Shabahaan. Haddii Aadan Sidaas u arkin Zouma hadda waa 20 Jir, maalin maalmaha kamid ah wuxuu noqon doonaa 23 ama 24 jir, sidaas darteed wuxuu noqon doonaa xidig sumcad Leh, Hoggaamiye Ah, sidoo kalana badali kara John Terry ” macalinka reer Portugal ayaa sidaas u sheegay Th Mirror.

” Zouma wuxuu u cayaaray intii aan ka filaayey in ka badan, intuu filaayey in ka badan, intii dadka dhan ka filaayeen in ka badan, sidaas darteed wuxuu helayaa qibrad muhiim ah”

Ugu Dambeyntii hadalka Macalin Mourinho ayaa imaanaya Xilli Zouma iyo Gary Cahill ay hadda ku tartamayaan booska daafaca dhexe. iyadoo macalin Mourinho uu rajeenayo in Zouma looga yeero xulkiisa France taas oo uu u arko inay qeyb wanaagsan ka qaadan doonto horumarkiisa.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>