Home » Maxaa Cusub » Juan Cuadrado Oo Markii Ugu Horeesay Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Cayaareed Iyo Halka Uu Ku Dambeyn Doono

Juan Cuadrado Oo Markii Ugu Horeesay Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Cayaareed Iyo Halka Uu Ku Dambeyn Doono


Cuadrado

Xidiga reer Colombia Juan Cuadrado wuxuu dhibsaday weerarka gaarka ah oo ay saxaafada Ingiriiska ku heyso kuna qasbeyso inuu kooxdiisa Chelsea isaga hayaamo.

Balse xidigan dadaalka badan ayaa markii ugu horeesay mustaqbalkiisa cayaareed ka hadlay wuxuuna ka dhawaajiyay inuu ku faraxsan yahay ka mid ahaan shaha Blues sidoo kalena uu booskiisa dhacsan doono.

Sidoo kale wakiilka xidigan Alessandro Lucci ayaa la hadlay Tutto Mercato wuxuuna xaqiijiyay rabitaanka Cuadrado oo ah inuu Stamford Bridge baaqi kusii ahaado.

Alessandro Lucci wuxuu yiri “La yaabkeyga wuxuu ahaa markii aan aqriyay wargesyada Ingiriiska oo qorayo in Cuadrado uu Chelsea isaga tagaayo”

“Waa muhiim inaan hadalno Cuadrado waa xidig Chelsea ka tirsan kana sii mid ahaan doono xili cayaareedka dambe”

“Juan wuxuu kalsooni ka heestaa macalinkiisa Mourinho oo u balan qaaday inay isla shaqeyn doonaan sidoo kalena uu qorshihiisa xili cayaareedka dambe ka mid yahay”

Cuadrado bilawgii sanadkan waxay €35m kaga soo iibsatay naadiga Fiorentina balse xidigan wuxuu ku guul dareestay inuu EPL la qabsado asigoo cayaaray 4-kulan oo Premiership-ka ah sidoo kalena saameyn muuqato lama uusan imaanin.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>