Todobaadkan kulamadii EPL laga cayaaray waxaa kasoo baxeyn natiijooyin xiiso badan balse guusha ugu weyn waxaa gaartay kooxda Man United oo iska reebtay dhigeeda Liverpool ayadoo ku maquunisay 2-1.
Sidoo kalena Harry Kane ayaa u suura gashay inuu sedexleydii ugu horeesay EPL ka dhaliyo kulan Tottenham si adag uga badisay kooxda Leicester.
Geeska kale Chelsea ayaa guul loo dhibtooday gaartay waxayna si dirqi ah kaga badisay naadiga Hull City.
Guud ahaan todobaadkan iyo 11-ka xidig ee ugu wanaagsan EPL hoos kaga bogo:
Goolhaye: Julian Speroni (Crystal Palace)
Daafaca: Nathaniel Clyne (Southampton), James Collins (West Ham), Chris Smalling (Manchester United), Aaron Cresswell (West Ham)
Khadka dhexe: Juan Mata (Manchester United), David Silva (Manchester City), Marouane Fellaini (Manchester United),
Weerarka: Eden Hazard (Chelsea), Harry Kane (Tottenham), Wilfried Bony (Manchester City)
nasta
23-March-2015 at 9:08 pm
courtios iyo Remy baa ka maqan <<>>>>