Kubad sameeyaha kooxda Manchester United Juan Mata ayaa aaminsan in kooxdiisa ay ka saramari karto xifaaltamayashooda Magaalada Manchester isagoo ka dhawaajiyay in hamigoodu yahay kaalinta labaad ee horyaalka.
Chelsea ayaa haatan hogaanka u heysa EPL-ka waxeyna lix dhibcood ka sareysaa Man City oo kusoo xigta inkastoo ay kulan baaqi ah gacanta ku heysato.
United ayaa guulo waaweyn ka gaartay Spurs iyo Liverpool kulamo is xiga taasoo sare usoo qaaday hamiga kooxda United taasoo laba dhibcood kaliya u jirta booska labaad.
“Hal iyo laba dhibcood ayaan u jirnaa Arsenal iyo Man City, waxaana filayaa inaan sameyn karno” Ayuu Mata u sheegay BBC-da.
“Waxaan si toos ah u istaagi doonaa booska labad hadii aan guuleysano kulamada aan la leenahay ayaga” ayuu mar kale yiri Juan.
United ayaa maanta wajaheysa Aston Villa kulan ka dhici doona garoonka Old Trafford, waxeyna si kumeel gaar ah u gali kartaa maanta midkood labaad ama sadexaad.