Juan Mata oo la hadlaayay Daily Mail ayaa ka dhawaajiyay in xulka England ay sanadka dambe ku guuleesan karaa tartanka Euro 2016 ee lagu qaban doono dalka France.
Juan Mata xulkiisa Spain uma cayaarin wixii ka dambeeyay koobkii aduunka ee sanadkii hore lagu qabtay dalka Brazil sidaa darteed haatan Spain iyo arimaheeda kama hadlo marba hadii aan xulka loogu yeerin.
Wuxuuna ka dhawaajiyay in saaxiibkiis Wayne Rooney oo ay isku naadi yihiin inuu xulka England sanadkan dambe koobka qaramada Yurub u qaadi karo.
“Waxaan u maleynaa in xulka England ay sanadka dambe fursad fiican u heestaan ku guuleysiga Euro 2016″
“Waxay heestaan xidigo aad u fiican sidoo kalena Wayne Rooney waa hogaamiye buuxo maalin walbo ayaan arimaha xulka England ka wada hadalnaa waxaana u rajeynaa guul weyn xagaaga dambe”
Sidoo kale Juan Mata ayaa aaminsan in kooxdiisa xili cayaareedkan ay ku dhameesan karto Premieship-ka heer sare.
“Muhiimada waxay ahayd inay kooxda isla qabsato haatana waxaan niyada gashanaa inaan kulan walbo guuleesan karno”
“Sidaa darteed kalsoon weyn ayaan ku qabaa inaan xili cayaareedkan heer sare ku dhameesan karno madaama aan awood ahaan haatan dheeli tiranahay”