Kubad sameeyaha kooxda Man United Juan Mata ayaa ka hadlay qorshaha fog ee kooxdiisa xili cayaareedkan uga dagsan.
Inkastoo taageerayaasha kooxdan faca weyn ay aragtiyo kala duwan ka qabaan halka uu hiigsanaayo macalin Luis Van Gaal hadana xidiga reer Spain ayaa ka hadlay kooxdiisa waxa ay hiigsan doonto xili cayaareedkan 2014/15.
“Ujeedada Man United leedahay xili cayaareedkan ayaa ah inaan usoo baxno koobka horyaalada Yurub xili cayaareedka dambe”
“”Waxaan u dagaalami doonaa inaan xili cayaareedkan ka mid noqono 4-naadi ee ugu sareeyo Premiership-ka waxayna midaas u baahan tahay dadaal badan iyo inaan la imaado waxqabad dheeraad ah”
Xili cayaareedkii hore Man United waxay ku fashilmatay inay ka mid noqoto 4-naadi ee ugu sareeyo EPL midaasna waxay sababtay in David Moyes laga racadeeyo kooxda madaama Man United 15-dhibcood ay ka hoos martay Arsenal oo kaalinta 4-aad ku dhameesatay sanadkii hore.
Sidaa darteed Juan Mata ma doonayo in markale kooxdiisa ay ku fashilmato inay usoo baxdo Champion-ka sidoo kalena Man United xagaagan lacago badan ayay cayaartooy kusoo iibsatay.