Home » Maxaa Cusub » Juan Mata Oo Manchester United Ka Saaciday Iney Old Trafford Ku Garaacdo Crystal Palace

Juan Mata Oo Manchester United Ka Saaciday Iney Old Trafford Ku Garaacdo Crystal Palace


Mata

Gool uu dhaliyay Juan Mata ayaa Manchester United ka saaciday iney ku dhaafto Crystal Palace, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu badal kusoo galay qeybtii dambe ciyaarta.

Robin Van Persie ayaa si qurux badan uga xariiftamay daafac Crystal Palace ah oo geesta taagan ka hor intuusan lugta midig kubad joog hoose ah goolka la beegsady, balse daafac ka tirsan Palace ayaa iska soo saaray daqiiqadii 17-aad ee ciyaarta.

Angel Di Maria ayaa si qurux badan uga soo shaqeeyay kubada markii uu dhinac kasoo jiiray laba daafaca oo Palace ah, ka hor inta uusan farta ka saarin Rooney oo goolka u furnaa balse taagnaa meel waxyar ka fog xerada ganaaxa, kubad xoogan ayuu goolka la beegsaday balse hawada ayey ka martay daqiiadii 25-aad ee ciyaarta.

Luke Shaw ayaa soo dhex jiiray ciyaartoyda Crystal Palace, ka hor inta uusan kubad joog hoose ah goolka la beegsan, Goolhaye Superoni ayaana ka beeniyay daqiiqadii 27-aad ee ciyaarta.

Fraizer Campbell ayaa qasaariyay fursad qaali ah oo uu hogaanka ugu dhiibi karay kooxdiisa Crystal Palace daqiiqadii 38-aad ee ciyaarta markii uu si lama filaan ah ku helay kubad ay isku haleeyen daafaca United, isku day wacan ayuu sameeyay madama uu goolhayaha ka dulqaaday balse goolka ayuu saramariyay.

Qeybtii hore oo ay Manchester United ku gacan sareysay ciyaarta dhinac walba ayey soo dhamaatay, balse markii la isku soo laabtay United ayaa halkeedii kasii bilowday cadaadiskii ay saareysay goolka Crystal Palace.

Wayne Rooney ayaa sameeyay isku day qurux badan isagoo madaxa sii galinaya xerada ganaaxa Crystal Palace inkastoo kooxdiisa uusan hogaanka ugu dhiibin madama kubadii banaanka martay daqiiqadii 53-aad ee ciyaarta.

Fellaini ayaa ku dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Manchester United daqiiqadii 57-aad markii uu madaxeeyay kubad koorne ka timid balse kubad goolka ku socotay daafaca Palace ayaa soo badbaadiyay.

Juan Mata oo badal kusoo galay ciyaarta ayaa hogaanka u dhiibay Manchester United markii uu goosha Crystal Palace ka toogtay meel ka baxsan xerada ganaaxa daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta, Di Maria ayuuna caawinaad fudud ka helay.

Crystal Palace ayaa gashay daqiiqad waali ah markii Rooney uu kubad qurux badan hordhigay Van Persie, daafaca ayuu ku garaacay, Mata ayaa helay kubada kaas oo birta ku garaacay, ugu dambeyntiina Van Persie ayey hortimid isagoo goolka u furan balse hawada ayuu la ciyaaray daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0, oo ay guusha ku raacday Manchester United oo gurigeeda joogta, waxeyna guushaan ka saaciday iney soo istaagto booska 6-aad ee kala horeynta horyaalka iyadoo leh 16-dhibcood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>