Kubad sameeye Juan Mata ayaa sheegay inuu diyaar garow adag ugu jiro kulanka sabtiga kooxdiisa Man United la cayaari doonto naadiga Chelsea.
Kulankan xiisaha badan ee ka dhici doono garoonka Stamford Bridge ayaa noqon karo kulan go’aamin karo halka uu horyaalka EPL aadi doono.
Hadaba Juan Mata ayaa afka furtay wuxuuna u goodiyay kooxdiisii hore asigoo doonayo inuu dhulka ku jiido sabtiga nagu soo fool leh.
“Kulanka Chelsea hadafkeena wuxuu yahay inaan sedexda dhibcood qaadano wax walbo ayaan sameyn doonaa si aan Chelsea u garaacno”
“Waxaa fursad inoo ah inaan haatan ku suganahay xaalad aad u fiican sidoo kalena waan isku kalsoonahay mar hadii aan soo garaacnay Tottenham, Liverpool iyo Man City”
Juan Mata ayaa sidoo kale sheegay inuu siweyn ugu hanqal taagayo ku laabashada garoonka Stamford Bridge.
“Marwalbo waa arin xiiso badan in kooxdaadii hore aad ka hor imaatid xasuus wanaagsan ayaan Chelsea ka heestaa sidoo kalena si gaar ah ayaan u daneynayaa inaan sabtiga Stamford Bridge kasoo muuqdo”