Home » Maxaa Cusub » Juan Mata “Waxaa Wanaagsan In Man United Aysan Ku Mashquulin Kaalinta Ay Kaga Jirto Horyaalka”

Juan Mata “Waxaa Wanaagsan In Man United Aysan Ku Mashquulin Kaalinta Ay Kaga Jirto Horyaalka”


Juan Mata of Manchester United celebrates Robin van Persie scoring their first goal during the Barcl

Juan Mata ayaa ku qanacsan bandhiga ay kooxdiisa Man United ilaa haatan ka sameesay EPL wuxuuna xidigan xidigaha kooxdiisa ku booriyay inaysan ku niyad jabin kaalinta ay haatan Man United ku jirto.

Mata ayaa sidoo kale ka xun guuldarada ay kooxdiisa kala kulantay Manchester Derby wuxuuna yiri “Todobadkan kooxdeena geesinimo dheeraad ah ayay muujisay sidoo kalena Man United uma qalmin inay Manchester Derby laga guuleesti”

“Xaqiiqdii waxaa wanaagsan inaan bandhigeena ku faraxno sidoo kalena ma ahan inaan ku mashaquulno kaalinta aan horyaalka kaga jirno balse ilaa haatan 10-kulan oo aan cayaarnay wax weyn ayaa inoo qabsoomay”

“Waxaana hubaa inaan kaalin wanagsan ku dhameesan karno xili cayaareedkan waayo Man United waxay heesataa xidigo tayo wanaagsan oo kooxda guulo gaarsiin karaan xil cayaareedkan”

Juan Mata ayaa geeska kale sheegay inuusan meelna Man United uga soconin inkastoo xidigan la hadal haayo in bisha Janaayo uu tababare Luis Van Gaal iska iibin doono wuxuuna yiri “Waxaan ahay laacib Man United ka tirsan sidoo kalena waa kasii mid ahaan doona mana jirto sabab aan garoonka Old Trafford kaga tago xiligan”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>