Home » Maxaa Cusub » Jurgen Klopp “Hadii Arsenal Ay Ila Soo Xariirto Si Deg Deg Ah Ayaan Dalabkooda Uga Jawaabi Doonaa”

Jurgen Klopp “Hadii Arsenal Ay Ila Soo Xariirto Si Deg Deg Ah Ayaan Dalabkooda Uga Jawaabi Doonaa”


Macalinka kooxda Dortmund Jurgen Klopp ayaa ugu dambeyntii ka hadlay wararka sheegayo inuu kooxda Arsenal hogaankeeda la wareegi doono si uu booska Arsene Wenger u buuxiyo.

Macalinkan dhalinta yar oo ah shaqsi aan la gambanin hadalkiisa ayaa si cad uga hadlay arinkan wuxuuna yiri “Hadii Arsenal ay ila soo xariirto si deg deg ah ayaan dalabkooda uga jawaabi doonaa”

“Balse ma jiro ilaa haatan qof ila soo xariiray”

“Marka laga soo tago Bundesligaha horyaalka labaad ee aan aaminsanahay inaan ka shaqeyn karo waa Premier League-ga marka wax dhibaato ah kuma qabi doono inaan ka shaqeeyo horyaalka England”

Macalinka reer Jarmal wuxuu sumcad balaaran ku kasbaday naadiga Dortmund oo uu tababare u yahay mudo 6-sano ah asigoo guulo badan kooxdan garsiiyay.

Sidoo kale falsafadiisa cayaareed iyo kartidiisa ayu kusoo jiitay qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu caansan haatana wuxuu ka mid yahay macalimiinta loogu doonista badan yahay inkastoo uu qandaraas dheer kula jiro kooxda Dortmund.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>