Home » Horyaalada » Bundesliga » Jurgen Klopp Oo Diiday Inuu Iska Casilo Xilka Dortmund Kadib Guuldaradii Frankfurt

Jurgen Klopp Oo Diiday Inuu Iska Casilo Xilka Dortmund Kadib Guuldaradii Frankfurt


klopp

Borrusia Dortmund haatan waa kooxda ugu hooseysa horyaalka Bundesliga Jarmalka waxeyna aruursatay kaliya 11-dhibcood, 13-kulan oo ay ciyaartay guuldaradii ugu dambeysayna waxey ka heleen Frnakfurt Axadii kulan ay marti ahaayeen.

Inkastoo Dortmund ay la kulantay laba guuldaro afar maalmood gudahood, hadana tababaraha reer Jarmal ee leyliya kooxda Jurgen Klopp ayaa iska diiday inuu iska casilo xilka tababranimo ee kooxda.

Dortmund haatan waxey 22-dhibcood ka hooseyaan kooxda Bayern Munich, taasoo muujineysa in kooxdaan aysan hami ka lahaan doonin iney tartan u gasho ku guuleysiga horyaalka, inkastoo ay macquul tahay iney soo tiigsato boosaska Champions League-ga.

Sidoo kale Klopp wuxuu madaxa saartay masuuliyada guuldaradii kasoo gaartay Frankfurt, isagoo jamaahiirta ka raali galiyay wixii ku qabsaday kulankaas.

“Waan dareemi karaa farxad la’aanta Jamaahiirta, balse wali kooxda waxey wadaa isku day ay kusoo rogaal celineyso” Ayuu Jurgen Klopp yiri ciyaarta kadib.

Ciyaartoyda Dortmund ayaa si xushmad leh u hor istaagay jamaahiirtooda tirada yar ee soo xaadiray kulankaan si ay ula qeybsadaan murugada iyo dhibaatada ay qabaan inkastoo la ogaa in kulankii Arsenal ay gacan qaadeen taageerayaasha yimid Emirates.

Ugu dambeyntii Klopp wuxuu ku adkeysanayaa inuusan ka dhaqaaqin kooxda Dortmund, inkastoo ay ku raad joogaan kooxaha Arsenal iyo Liverpool oo doonaya iney badalaan Wenger iyo Rodgers.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>