Home » Horyaalada » La liga » Juventus Oo Damacsan Inay Bisha Janaayo Qaab Amaah Ah Ku Qaadato Dani Osvaldo…

Juventus Oo Damacsan Inay Bisha Janaayo Qaab Amaah Ah Ku Qaadato Dani Osvaldo…


Dani-Osvaldo-vuelve-a-disparar_54137428735_54115221154_600_396

Kooxda Juventus ayaa soo nooleesay xiisihii ay u qabtay weeraryahanka xulka qaranka Italy iyo naadiga Southampton Dani Osvaldo, xidigan waxay Juve dooneysaa inay Serie A-da dib ugu celiso madaama ay ku fashilmatay inay lasoo saxiixato xiligii uu ka tirsanaa naadiga AS Roma wararka ayaa intaas ku daraayo in Juve ay dooneyso inay qaab amaah ah kaga qaadato naadiga Southampton waayo Osvaldo dhawaan ayuu sheegay inuu kusoo qaldoomay Premiership-ka England diyaarna uu yahay inuu horyaalkan isaga tago Juve oo daba joogto hadalka xidigan kasoo yeeray ayaa wakiilkiisa lasoo xariirtay wuxuuna wargeska Mirror sheegay inay suura gal tahay in Osvaldo uu Serie A-da dib ugu laabto marka uu suuqa Yurub dib u furmo.

Dani Osvaldo waa cayaaryahankii ugu qaalisnaa ee ebid Southampton soo iibsato madaama ay xagaagii aan kasoo gudubnay Roma kaga soo qaadatay £13m balse xidigan xiriir wanaagsan lama laho macalinka Southampton Mauricio Pochettino waayo xidigan ayaa doorkiisa kasoo dhalaali waayay madaama uu kooxdan u dhaliyay hal gool oo qura asigoo Premiership-ka cayaaray 7-kulan sida darteed waxaa suura gal ah inuu weeraryahankan kooxda Juve ku biiro si uu xulkiisa Italy kala qayb qaato koobka aduunka.


Waxaa Aqrisay: (43)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Abdirashid Shardinho Waa mid ka mid ah wariyayaasha ciyaaraha ee Shabakadda Hiilkubad. Sidoo kalana ah Tifaftiraha Wargeyska Kaliya ee kasoo baxa Muqdisho kana faalooda Arimaha Ciyaaraha "Horyaal Sports"

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>