Home » Horyaalada » italian Serie A » Juventus Oo Dhamaadka Todobaadkaan Soo Afjari Doonta Saxiixa Da’yarka Palermo Paulo Dybala

Juventus Oo Dhamaadka Todobaadkaan Soo Afjari Doonta Saxiixa Da’yarka Palermo Paulo Dybala


Dybala

Sida ay soo tabiyeen labada wargeys ee ugu afka dheer wargeysyada kasoo baxa dalka talyaaniga ee ka faalooda arimaha ciyaaraha Tuttosport iyo Corriere Dello Sport ayaa qiray in kooxda difaacaneysa horyaalka talyaaniga ay qarka u saaran tahay iney la saxiixato Paulo Dybala.

Labada wargeys ayaa isku raacay in agaasimaha guud ee Juventus Beppe Marotta iyo madaxweynaha Palermo Maurizio Zamparini ay isbucaan dhamaadkiisa kulmi doonaan iyagoo soo afjari doona xaalada xidigaan reer Argentina.

Juventus ayaa ku warantay iney diyaar u tahay bixinta lacag dhan 23 Malyan Oo Pound iyadoo sii raacineysa 2.8 Malyan Oo Pound oo ku xiran waxqabadkiisa.

Zamparini ayaa ku waramay in xidigaan uusan ku iibin doonin lacag ka yar 30 Malyan balse arinta si hoose ayey u xaliyeen labada kooxood sida ay ku warameen wargeysyada.

Arintaan ayaa ka dhigan in kooxaha reer England ee Arsenal, Liverpool iyo Chelsea ay waayeen wiilkaan kuwaas oo si ba’an loola xiriirinayay xidigaan heerka caalami.

Ugu dambeyntii Dybala ayaa noqonaya xidigii labaad oo Argentina ah oo u ciyaaraya Juventus xagaaga soo aadan madama Tevez uu joogi doono hadii uusan go’aan kale gaarin.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>