Home » Europe » Champions League » Juventus Oo Dirqi Ku Dhaaftay Olympiakos iyo Atletico Madrid Oo Garaacday Malmo

Juventus Oo Dirqi Ku Dhaaftay Olympiakos iyo Atletico Madrid Oo Garaacday Malmo


Juve

Juventus ayaa guul ay dhib badan u martay ka gaartay Olympiakos kulan ka dhacay Turin, waxeyna goolasheeda kaga mahad celineysaa Llorente, Pogba iyo Pirlo.

Ciyaar qurux badan ayey labada kooxood kusoo bandhigeen garoonka Juventus Stadium, waxaana bilowgii gacan ku heynta ciyaarta la wareegtay Juventus oo dhowr jeer isku dayday iney goolka tagto iyadoo Alvaro Morata, Vidal iyo Tevez ay goolka tageen inkastoo aysan u suuragalin iney shabaqa taabtaan.

Daqiiqadii 21-aad ee ciyaarta, Andrea Pirlo ayaa hogaanka u dhiibay Juventus markii uu shabaqa dhexdhigay laad xor ah oo uu ka laaday meel aan sidaas uga fogeen xerada ganaaxa waana laadkiisii xorta labaad oo uu isbuuc gudahiisa dhaliyo.

Wiilasha Olympiakos oo dhankooda dadaal waday ayaa jawaab layaab leh ka bixiyay markii daafacooda Alberto Botia uu madaxeeyay kubad koorne ka timid taasoo gool ka dhigtay waxeyna ciyaarta noqotay mid barbardhac ah daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta.

Qeybta hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbaro 1-1, balse markii la isku soo laabtay Olympiakos oo marti aheyd ayaa hogaanka qabatay markii xidigooda madowga ah  Delvin Ndinga uu madaxeeyay kubad geesta midig laga keenay daqiiqadii 61-aad ayeyna aheyd.

Juventus ayaa heshay barbaro lama filaan ah markii kubad si lama filaan ah ugu dhacday Llorente ay goolka aaday, inkastoo ay birta ku dhacday hadana goolhaye Roberto ayey si kama ah ugu dhacday daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta.

Laba daqiiqo kadib Paul Pogba ayaa hogaanka u dhiibay Juventus kaas oo baas wacan ka helay Llorente, isku day uu doonayay inuu Vidal kubad ugu gudbiyo ayaa dhicisoobay, balse wuxuu fursad ku helay goolka Olympaikos si hoose ayuuna shabaqa kubada u galiyay daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta.

Xamaasada ciyaarta ayaa sii korortay iyadoo Llorente uu wax badan ka badalay, ciyaartay, waqtigii dhimashada ahaa ee ciyaarta lagu kordhiyay ayey Juventus heshay Rigoore ama gool ku laad markii Tevez lagu riday xerada ganaaxa.

Arturo Vidal ayaa usoo istgaagay inuu tuuro rigoorada isla markaana uu hogaanka u dheereeyo Juventus, balse ma noqon oo goolhaye Roberto ayaa ka badbaadiyay.

Ugu dambeyntii guushaan ay Juventus gaartay ayaa ka dhigan iney kaalinta labaad kaga jirto groupkeeda iyadoo 6-dhibcood la wadaagta Olympiakos, inkastoo farqiga goolasha ay ku sareyso.

Dhanka kale Atletico Madrid ayaa ku joogta halka ugu sareysa group A, kadib markii ay Sweden guul kusoo gaartay markii ay u martisay Malmo waxeyna goolasheeda kaga mahad celineysaa Koke iyo Raul Garcia.

Waa guushii sadexaad oo ay gaarto kooxda uu hogaamiyo Diego Simeone kadib guuldaradii furitaanka ee Olympiakos ay ka heleen, waxeyna haatan leeyihiin 9-dhibcoo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>