Kadib markii kooxda Juventus ay kasoo jeesatay qorshihii ay ku dooneesay weeraryahanada kala af Cavani, Falcao iyo Mandzukci waxay kooxda reer Talyaani haatan u weecatay soo xero galinta Gonzalo Higuain.
Gazzetta dello Sport ayaa daaha ka qaaday in Juve ay wada hadalo la furi doonto kooxda Napoli sidoo kalena waxaa ka diyaar ah €60m oo ay Napoli ku dooneyso weeraryahanka reer Argentina.
Juventus oo ka warqabto in xidigan dhalintiisa wanaagsan tahay ay saxiixiisa ku raad joogaan Man United, Chelsea iyo Arsenal waxay dooneysaa inay bishan gudaheeda gacanta kusoo dhigto.
Madaama Juventus xili cayaareedkan dhaqaalo xoogan usoo xarooday diyaar ayay u tahay lacagaha ay heshay qayb ka mid ah inay Gonzalo Higuain kula soo wareegto.
Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Juve ay dhigeeda Napoli ku wareejin doonto ama ay qayb ka dhigi doonto heshiiskan xidigaha Juve millkiyadeeda leedahay ee kala ah Berardi ama Rugani midkood.
Sidaa darteed Gazzetta dello Sport wuxuu sadaalinaa in saxiixa Higuain ay kooxda Juventus xagaagan ku guuleesan doonto.