Juventus ayaa ku warantay iney isku diyaarineyso u dhaqaaqista weeraryahanka kooxda Paris Saint Germain iyo xulka qaranka Uruguay Edison Cavani marka uu dhamaado xagaagan.
Edinson Cavani waxaa si ba’an loola xiriirinayaa inuu isaga tagayo kooxda ka dhisan magaalada Paris, waxaana sidoo kale xiiso u qaba kooxaha Manchester United iyo Arsenal oo doonaya saxiixiisa.
Si Kastaba labadaan kooxood ee ka dhisan ingiriiska ayaa tartan xoogan kala kulmi doona Juventus oo dooneysa iney xidigaan la saxiixato sida ay qortay talkSPORT.
Cavani waxaa mar walba kaga horeeya weerarka kooxda, badina kama ciyaaro booskiisa taasna waa mida ugu weyn oo uu kaga tagayo PSG.
Dhanka kale Edinson Cavani ayaa dhaliyay kaliya 24-gool, 56-kulan oo uu u saftay kooxda tan iyo markii uu July 20013 kaga soo biiray Napoli.
Ugu dambeyntiina Edinson Cavani heshiiska uu kula jiro Paris Saint Germain wuxuu dhacayaa June 2118.