Sida ay tilmaantay majaladda La Gazzetta dello Sport kooxda Juventus ayaa bartilmaameed koowaad ka dhiganeysa burburiyaha kooxda Real Madrid Sami Khedira kaas oo si xor ah kaga tagaya kooxdan ka dhisan Madrid marka uu dhamaado xagaagan.
Horaantii sanadkaan ayuu Khedira ku dhawaaqay inuu isaga tagayo Madrid madama ay kooxdiisa ku abaalmarin weysay heshiis cusub waxaana saxiixiisa ku loolamaya kooxaha Chelsea, Arsenal, Schalke, Bayern iyo Juventus.
Juventus waxey xidigaan la dooneysaa iney ku buuxiso booska uu baneyn doono Paul Pogba oo la filayo inuu ku biiro midkood Barcelona, Real Madrid, PSG iyo Manchester City kuwaas oo lacago badan ku doonaya xidigaan reer France.
Dhanka kale Juventus waxey qiimeyn ku wadaa garabka weerarka kooxda Tottenham Hotspur Erik Lamel sida ay qortay Daily Mail.
Warbixintaan ay qortay Mail ayaa sheegeysa in kooxda heysata horyaalka talyaaniga ay markaan dooneyso iney talyaaniga dib ugu soo celiso Lamela oo maalmo fool xun ku qaatay As Roma.
Mauricio Pochettino ayaa doonaya inuu ilaashado wiilkiisa ku jahawareeray horyaalka Ingiriiska, balse xidigaan ma diidi doono hadii uu dalab rasmi ah ka helo Juventus.