Home » Horyaalada » italian Serie A » Juventus Oo Isha Ku Heysa Oscar Wakiilo Soo Daawadana U Dirtay Kulankii Brazil Ay Garaacday France

Juventus Oo Isha Ku Heysa Oscar Wakiilo Soo Daawadana U Dirtay Kulankii Brazil Ay Garaacday France


Oscar

Warsidaha Tuttosport ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Juventus ay bartilmaameed ka dhiganeyso xidiga Chelsea “Oscar” sidoo kalana ay wakiilo soo qiimeya qaabkiisa u dirtay kulankii ay Brazil guusha kaga gaartay France magaalada Paris.

Oscar ayaa ka mid ahaa wiilashii macalin Dunga ee guushaas soo hoyay iyagoo ku badiyay garoonkii koobka Aduunka 1998-dii looga qaaday Brazi.

Si Kastaba Oscar ayaa dhaliyay mid ka mid ah goolasha ay Brazil ku garaacday Faransiiska, Allegri ayaana doonaya inuu xidigaan keeno Turin.

Dhanka kale Oscar waxaa lagu qiimeeyaa 20 Malyan Oo Pound, waxaana sidoo kale isha ku haya kooxda Liverpool oo tartan la gali doonta dhigeda Juve.

Ugu dambeyntiina Juventus ayaa raadineysa badalka Andrea Pirlo oo ay da’da ka daba timid iyo hadii uu Paul Pogba ka hayaamo kooxda.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>