Home » Horyaalada » La Liga Spain » Juventus Oo Kusoo Biirtay Loolanka Ay Kooxaha Arsenal iyo Spurs Ugu Jiraan Hector Moreno

Juventus Oo Kusoo Biirtay Loolanka Ay Kooxaha Arsenal iyo Spurs Ugu Jiraan Hector Moreno


Hector

Sida ay qirtay Radio Formula kooxa difaacaneysa horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa kusoo biirtan loolanka ay kooxaha ka dhisan waqooyiga London ugu jiraan Hector Moreno.

Daafacaan heerka caalami ee xulka Mexico isla markaana ka tirsan kooxda Espanyol ayaa kasoo kabtay lug uu ka jabay xili ciyaareedkii hore taasoo seejisay inuu ka qeyb qaato koobkii Aduunka ee Brazil kusoo dhamaaday bishii July sanadii hore.

Hector Moreno ayaa dib u helay booskiisa xili ciyaareedkaan,  waxaana qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa kaga haray sanad qura iyadoo Espanyol ayba daneyneyso iney kaash ku hesho ka hor inta uusan dhicin June 2016.

Kooxaha Arsenal iyo Tottenham ayaa si ba’an loola xiriirinayay bishii January ee kal hore, balse haatan Juventus ayaa kusoo biirtay loolanka xidigaan.

27-jirkaan heerka caalami ayaa ku faraxsan in lala xiriiriyo kooxahaas inkastoo aan la ogeyn halka uu ku dmabeyn doono mustaqbalkiisa.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>