Home » Horyaalada » italian Serie A » Juventus Oo Saraakiil U Dirtay Dalka Jarmalka Si Ay Saxiixa Julian Draxler U Dhameestiraan

Juventus Oo Saraakiil U Dirtay Dalka Jarmalka Si Ay Saxiixa Julian Draxler U Dhameestiraan


Julian Draxler

Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in kooxda Juventus ay maal maha nagu soo fool leh dhameestiri doonto saxiixa kubad qaabeeye Julian Draxler.

Naadiga Juventus ayaa haatan dalka Jarmalka u dirtay saraakiil sare si ay wada xaajood rasmi ah ula furaan naadiga Schalke 04 ee uu Julian Draxler ka tirsan yahay.

21-jirkan Juve waxay ugu tala gashay inay €25m kula soo wareegto xagaagan balse maamulka kooxda Schalke waxay madaxa Drexler dul dhigeen €35m.

Sidaa darteed wada hadalada labadan naadi dhex mari doono wuxuu noqon doonaa mid bilaaw ah madaama farqi weyn u dhaxeeyo lacagaha xidigan lagu heli karo iyo midka ay Juve ku dooneyso.

Juventus waxay rajo xumo ka muujisay helitaanka Mario Gotze madaama kooxda Bayern Munich iyo macalin Pepd Guardiola ay diideen in xidigan la fasaxo.

Sidaa darteed Juventus waxay ku rajo weyn tahay in Julian Drexler saxiixiisa aysan ku fashilmi doonin madaama xidigan dhalint yar uu isbadal doon yahay.

Inkastoo Drexler dhaawanahan hormarkiisa cayaareed ragaadeed dhaawacyo kala duwan hadan weli wuxuu ka mid yahay dhalinta ugu wanaagsan qaarada Yurub.

Waxaana xidigan si gaar ah maamulka Juve uga dalbaday in magaalada Turin la keeno macalin Massimiliano Allegri.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>