Juventus ayaa ku warantay iney bilowday wadahadalo ay ku dooneyso saxiixa shabeelka reer Colombia Radamel Falcao iyadoo la fureysa kooxdiisa As Monaco.
Falcao ayaa ku biiray Manchester United bilowgii xagaagan wuxuna ku yimid qaab amaah ah, iyadoo si rasmi ah fursad ugu heysata iney kula wareegto 43 Malyan Oo Pound marka uu dhamaado xagaagan.
Si kastaba Falcao ayaa ku fashilmay inuu kasoo hilaaco Old Trafford isagoo kaliya u dhaliyay afar gool taasna waxey la micno tahay inuu la qabsan kari waayay kooxda.
Daily Mail ayaa qirtay in kooxda hogaamineysa horyaalka talyaaniga ay wadahadalo toos ah la furtay kooxda As Monaco iyadoo kala xaajooneysa sidii ay ku heli laheyd Falcao.
Arinta ugu wacan Juve iney raadiso Falcao ayaa lagu micneeyay in Tevez uu qandaraaskiisa kooxda kaga haray hal sanadood isal markaana aan la hubin inuu saxiixi doono heshiis cusub halka Fernando Llorente isna uu ku fashilmay kooxda.
Ugu dambeyntii Juventus ayaa sidoo kale xaqiijisay iney xiiseyneyso da’yarka Palermo Paulo Dybala kaas oo jecel qudhiisa inuu Turin yimaado.