Agaasimaha guud ee kooxda Juventus Giuseppe Moratta ayaa ka dhawaajiyay in kooxda Real Madrid ay dalab kasoo gudbisay da’yarkooda reer France Paul Pogba, iyadoo rajeyneysa iney xidigaan la saxiixato.
21-jirkaan heerka caalami ayaa ku xoogeystay horyaalka talyaaniga tan iyo markii uu kaga soo biiray Manchester United sanadkii 2012, wuxuuna ka mid noqday xidigaha loogu hadal heynta badan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xili walba.
Paul Pogba waxaa xiiseynaya kooxaha Man City, Man United, Chelsea iyo Paris Saint Germain, inkastoo Moratta uu qiray in kaliya Real Madrid ay tahay kooxda dalabka soo gaarsiisay.
Moratta ayaa si toos ah u qiray in Ancelotti uu doonayo saxiixa Pogba isla markaana uu wax ka weydiiyay xidigaan inkastoo macalinkaan reer talyaani uu beeniyay warkaas.
“Ancelotti ayaa i weydiiyay su’aalo ku saabsan Pogba” Ayuu yiri Moratta oo la hadlayay Sky Italia, “Miyuusan xiiso u qabin, hagaag, waa been iska cad, waan hubaa iney jirto sabab ku qasbeysa inuu beeniyo warkaas” ayuu yiri Moratta mar kale.
Ugu dambeyntii Juventus ayaa dooneysa iney heshiiska u kordhiyo Pogba oo haatan qandaraska uu kooxda kula joogo uu ku egyaahay 2019, si xidigaan sare loogu qaado qiimaha lagu iibsan karo.