Home » Horyaalada » italian Serie A » Juventus Oo Xaqiijisay Inay Saxiixa Edinson Cavani Kaga Guuleesan Rabto Dhigeeda Man United

Juventus Oo Xaqiijisay Inay Saxiixa Edinson Cavani Kaga Guuleesan Rabto Dhigeeda Man United


Cavani

Agaasimaha kooxda Juventus Giuseppe Marotta ayaa si rasmi ah u sheegay inay dabagal xoogan ku hayaan weeraryahanka reer Uruguay Edinson Cavani sidii ay xagaagan gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

Masuulkan ayaa sidoo kale sheegay in kooxda PSG lala xariireen sidoo kalena loo balan qaaday in laga iibin doono xagaagan hadii Cavani iyo maamulka naadiga reer France ku heshiiyaan inay kala tagaan.

Giuseppe Marotta oo la hadlaayay Tuttosport wuxuu yiri “Qof walbo ayaa og in Cavani uu yahay laacib aad u wanaagsan waxaana saxiixiisa ku raad joogaan kooxaha Yurub ugu caansan”

“Aadban u qiimeynaa sidoo kalena weli si rasmi ah Paris maa anan kala hadlin arinkiisa balse hadii suuqa lasoo dhigo diyaar ayaan u nahay inaan iibsano madaama uu yahay xidig aad u tayo wanaagsan”

28-jirkan 9-gool ayuu Ligue 1 France ka dhaliyay asigoo cayaaray 29-kulan xili cayaareedkan sidoo kalena xiriir wanaagsan lama lahan macalin Laurent Blanc sidaa darted waxay u badan tahay in xagaagan Paris iska fasixi doonto.

Warar kale ayaa sheegayo in kooxda Man United iyadana dhankeeda dadaal xoogan ugu jirto sidii ay Cavani gacanta ugu soo dhigi laheyd waxaana laacibkan lagu qiimeeyaa 50-milyan oo pound.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>