Naadiga Juventus ayaa haatan diirada saari doonto sidii ay kula soo saxiixan laheyd kubad sameeye Mesut Ozil inta uu xagaagan suuqa Yurub furan yahay.
Juventus qorshaheed kowaad wuxuu ahaa inay Oscar gacanta kusoo dhigto balse naadiga Chelsea ayay jawaab ka waayeen.
Sidaa darteed Juve oo aan rabin inuu waqti badan ka lumo ayaa haatan dalab rasmi ah u diri doonto kooxda Arsenal si ay Mesut Ozil gacanta ugu soo dhigto.
Macalin Allegri ayaa dhawaan sheegay in kooxdiisa Juventus ay qasab ku tahay inay helaan xidig kubada u qaabeen karo madaama halyee Andrea Pirlo uu Waqooyiga Ameerika u guuray.
Tuttosport ayaa sheegay in Juventus ay dalab £29m u gudbin doonto dhigeeda Arsenal si ay Ozil gacanta ugu soo dhigto.
Sidoo kale Juve qorshaheeda wuxuu yahay inay lambarka 10-aad Ozil u xirto hadii ay gacanta kusoo dhigto waxaana la sheegay in Juve ay iska iibin doonto Pogba ama Vidal midkood si ay sare ugu qaado lacagaha ay Ozil ku dooneyso hadii laga diido.
Juve xagaagan waxay qarash gareesay £50m ayadoo kusoo iibsatay Paulo Dybala, Simone Zaza iyo Mario Mandzukic balse midaas kama celin doonto inay lacago aad u fara badan Ozil kula soo wareegto.