Home » Europe » Champions League » Ka Hor Finalka Champions League-ga Ee Caawa, Waa Kuwee Kooxaha Ku Guuleystay Koobabka Sadexleyda

Ka Hor Finalka Champions League-ga Ee Caawa, Waa Kuwee Kooxaha Ku Guuleystay Koobabka Sadexleyda


Barca treble

Kooxaha Juventus Iyo Barcelona midkii caawo koobka horyaalada Yurub ku guuleesto wuxuu nasiib u yeelan doonaa inuu ka mid noqdo liiska kooxaha sida weyn qaarada Yurub looga qadariyo.

Hadaba Juventus ilaa haatan labo koob ayay ku guuleestay (Serie A iyo Copa Italia) sidoo kalena Barcelona waxay qaaday (La Liga iyo Copa del Dey)

Sidaa darteed naadigii caawo guuleesto wuxuu nasiib u yeelan doonaa inuu sedex koob oo caalami ah hal xili cayaareed isku qaado.

Hadaba taariikh ahaan 7-naadi ayaa horey u sameeyeen iskoor oo isku qaadeen sedex koob oo kala duwan (Champion-ka, horyaalka iyo koobka dalka) hal xili cayaareed waxayna kala yihiin:

Celtic FC: 1966/67

AFC Ajax: 1971/72

PSV Eindhoven: 1987/88

Manchester United FC: 1998/99

FC Barcelona: 2008/09

FC Internazionale Milano: 2009/10

FC Bayern München: 2012/13

Geeska kale waxaa jiraan 5-naadi oo isku qaadeen tartanka UEFA Cup/Europa League iyo horyaalada iyo koobabka dalka waxayna kala yihiin:

IFK Göteborg: 1981/82

Galatasaray AŞ: 1999/2000

FC Porto: 2002/03

PFC CSKA Moskva: 2004/05

FC Porto: 2010/11

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>