Home » Maxaa Cusub » Kabtan Francesco Totti Oo Fariin U Diray Hogaamiyayasha Serie A-da Juventus, Fariintu Maxay Tahay?

Kabtan Francesco Totti Oo Fariin U Diray Hogaamiyayasha Serie A-da Juventus, Fariintu Maxay Tahay?


-

Kabtanka kooxd As Roma Francesco Totti ayaa fariin u diray kooxda Juventus wuxuuna u sheegay inay hogaanka Serie A-da kasoo ceshan doonaan marka sanadka cusub dib loo amba qaado horyaalka Talyaaniga, ruug cadaagan iyo kooxdiisa Roma inta badan xili cayaareedkan iyaga ayaa horkacayeen horyaalka Talyaaniga madaama ay 10-kulan oo xariir ah guuleesteen balse dhaawacii halyee Totti soo gaaray ayaa sababay in kooxda hogaanka ay kala wareegto kooxda Juve hadaba Totti ayaa u goodiyay Juve wuxuuna yiri “Juve haatan waa kooxda ugu sareyso Serie A-da balse waxaan u sheegaa inaan hogaanka anaga kaga horeenay xili cayaareedkan sidoo kalena ha ogaadaan inaan dib kaga soo ceshan doono marka horyaalka dib loo amba qaado kadib sanadka cusub”

Kooxaha Juve iyo Roma ayaa wada cayaari doonaan 5-bisha Janaayo marka laga soo laabto fasaxa sanadka cusub wuxuuna Totti aaminsan yahay in kooxdiisa ay Juve lagdi karto wuxuuna yiri “ha iloobin in Juve sanadkan ay guuldaro xanuun badan kala kulanay Fiorentina marka maxaa diidayo inaan anagana awood u sheegano sidoo kalena aan dib usoo ceshano hogaanka” ugu dambeyntii halyeegan ku gaamuray Serie A-da ayaa ka dhawaajiyay in xili cayaareedkan uu noqon doono mid aad u adag sidoo kana Juventus aysan si sahal ku qaad doonin Serie A-da sidii dhacday labadii sano ee aan kasoo gudubnay.


Waxaa Aqrisay: (287)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Abdirashid Shardinho Waa mid ka mid ah wariyayaasha ciyaaraha ee Shabakadda Hiilkubad. Sidoo kalana ah Tifaftiraha Wargeyska Kaliya ee kasoo baxa Muqdisho kana faalooda Arimaha Ciyaaraha "Horyaal Sports"

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>