Home » Maxaa Cusub » Kabtan John Terry Oo Aan Raaci Doonin Wadadii Petr Cech Iyo Frank Lampard, Hadaba Muxuu Sameyn Doonaa?

Kabtan John Terry Oo Aan Raaci Doonin Wadadii Petr Cech Iyo Frank Lampard, Hadaba Muxuu Sameyn Doonaa?


Legends Blues

Kabtan John Terry ayaa balan adag la galay kooxdiisa Chelsea sidoo kalana wuxuu u sheegay Jamaahiirta inuusan raaci doonin wadadii ay qaadeen Frank Lampard iyo Petr Cech kuwaas oo ku biiray kooxo cadawo ku ah kooxda ay halyeeyada u yahiin.

John Terry kuma biiri doono koox ka dhisan Ingiriiska hadiiba ay timaado waqti uu ka tago garoonka Stamford Bridge, sidoo kalana wuxuu doonayaa inuu sanado kale sii joogo kooxdaan.

Terry ayaa u waramay Telegraph wuxuuna u sheegay inuu doonayo inuu kubada sii ciyaaro, balse uusan ku biiri doonin koox ka dhisan EPL-ka.

Lampard ayaa ka hor yimid Chelsea xagaagii tagay madama uu amaah ugu ciyaaray Manchester City, halka Petr Cech xagaaga soo aadan uu isku diyaarinayo inuu ka hor yimaado Blues isagoo waliba ka tirsan Arsenal.

Kabtan John Terry heshiis cusub ayaa lagu abaalmariyay madama Mourinho uu aaminsan yahay inuu wali kooxda muhiim u yahay.

Ugu dambeyntii Terry ballanta adag uu la galay Jamaahiirta ayaan la ogeyn sida ay noqon doonto marka ay timaado waqtiga uu kooxdaan ka hayaamayo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>