34-jirka daafaca dhexe kaga cayaaro kooxda Chelsea ayaa soo gaabiyay fasaxiisa xagaagan si uu xili hore tababar adag usii bilaabo.
John Terry ayaa doonayo inuu diyaar garow adag usii galo xili cayaareedka cusub 2015/16 ee bilaaban doono horaanta bisha August.
John Terry ayaa hawshiisa ka bilaabay inuu qaybta orodka iska dhiso madaama uu dhawaanahan nasiino iyo damaashaad ku jiray.
Xidigan ayaa xarunta tababarka Chelsea Cobham kusoo laabtay xili uu dhowr todobaad xagaa bax u aaday dalka Greece.
John Terry ayaa sheegay inuu xarunta tababarka kusoo dhaweyn doono cayaaryahan walbo oo Blues ka tirsan marka uu fasaxa kasoo laabto.
Hogaamiyaha Chelsea ayaa doonayo in ka badan xili cayaareedkii dhawaa inuu qabto waayo xili cayaareedkii dhawaan soo idlaaday kulan walbo oo ka tirsan horyaalka England ayuu kooxdiisa u cayaaray.
Midaasna waxay sababtay in maamulka Chelsea ay daafacan waaya araga ah heshiis cusub ku abaal mariyaan.
Macalin Mourinho oo taageero weyn u ah Terry ayaa ku farxi doono in kabtankiisa uu xili hore fasax kasoo laabtay si uu kooxdiisa guulo ugu hogaamiyo xili cayaareedka dambe.