Kabtanka kooxda Bayern Munich Philipp Lahm ayaa ka dhawaajiyay inuusan aqbali doonin in halyee Bastian Schweinsteiger uu xagaagan garoonka Allianz Arena isaga hayaamo.
Maal mihii ugu dambeeyay saxaafada dalka Jarmalka waxay hadal heesay in Schweinsteiger uu isbadal doon yahay sidoo kalena uu doonayo kooxdii uu kusoo bar baaray inuu macsalaameeyo.
Hadaba kabtan Lahm oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Dabcan waan ka shaleyn doonaa hadii Schweinsteiger uu kooxda xagaagan ka tago”
“Aniga iyo Bastian tan iyo 16-jirkeenii ayaan isla cayaareenay marka laga reebo labo sano ee aan amaah kula joogay naadiga Stuttgart”
“Xiliyo badan ayaan isla qaadanay waana laacib caalami ah sidaa darteed ma doonayo inaan arko xagaagan Bastian oo Munich isaga tagaayo”
Lahm ayaa sheegay inuu go’aanka Schweinsteiger tixgalin doono wuxuuna yiri “Go’aanka mustaqbalkiisa cayaareed kaligiis ayaa go’aan ka gaari doono iyo Bayern”
“Ma jiro cayaaryahan kale ee ka talo bixin karo mustaqbalka Schweinsteiger”
Lahm ayaa dhinaca kala sheegay inuu 7-sano ka hor ku fikiray Bayern isaga tago si uu koobka horyaalada Yurub ugu guuleesto balse markii dambe uu go’aankaas badalay sidoo kalena uu sanadii 2013 kooxdiisa kula guuleestay koobka Yurub ugu qiimaha badan.