Home » Horyaalada » La Liga Spain » Kabtan Neymar JR Halkee Ayuu Kaga Jiraa Liiska Xidigaha Ugu Goolasha Badan Xulka Brazil

Kabtan Neymar JR Halkee Ayuu Kaga Jiraa Liiska Xidigaha Ugu Goolasha Badan Xulka Brazil


Neymar

Kadib goolkii uu ka dhaliyay Khamiistii xulka Faransiiska kabtan Neymar JR ayaa kusoo biiray liiska shanta xidig ee ugu sareysa goolasha xulka Brazil wuxuuna barbaro la noqday halyeeyadii hore Jairzinho iyo Rivellino iyagoo wada leh min 43-gool.

Neymar JR oo 23-jir ah ayaa barbareeyay halyeeyada Jairzinho iyo Rivellino kuwaas oo lagu xasuusto iney qeyb ka ahaayeen xidigihii xulka Brazil ee qaaday koobkii Aduunka sanadii 1970-kii, Neymar kaliya 61-kulan ayey ku qaadatay inuu ku dhaliyo 43-gool, halka Jairzinho ay ku qaadatay 101-kulan, waxaana intaas sii dheer in Rivellino ay isna ku qaadatay 120-kulan.

Neymar haatan waxaa ka sareya afar xidig oo laba ka mid ah sidiisa oo kale soo xirteen maaliyada Barcelona waana Ronaldo De Lima iyo Romario.

Romaio ayaa ah xidiga kaalinta afaraad ku jira kaas oo dhaliyay 56-gool, 74-kulan oo uu u saftay Brazil, sidoo kalana Zico ayaa ku xiga oo 66-gool dhaliyay, 88-kulan, Ronaldo De Lima ayaa labaad ah kaas oo isna dhaliyay 67-gool, 105-kulan, liiskaana waxaa ugu sareeya Boqor Pele oo dhaliyay 95-gool, 113-kulan oo uu saftay.

Neymar wali waa da’yar noqon kara xidiga ugu goolasha badan xulka Brazil inkastoo ay halyeeyo badan ka horeeyaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>