Home » Maxaa Cusub » Kabtan Neymar JR Oo Laba Gool Dhaliyay Kulan Brazil Ay Ku Tumatay Xulka Turkey-ga (Sawiro + Video)

Kabtan Neymar JR Oo Laba Gool Dhaliyay Kulan Brazil Ay Ku Tumatay Xulka Turkey-ga (Sawiro + Video)


1415822467511_wps_25_Brazil_s_forward_Neymar_2

Brazil ayaa garaacday Turkey kulan saaxiibtinimo oo ay marti aheyd, iyadoo Neymar JR uu si aad ah kaga dhex muuqday kulankaan madama uu laba gool dhaliyay.

Neymar JR ayaa bilaabay bandhiga goolasha xulka Brazil kadib markii uu si qurux badan u dhameystiray kubad uu meel dheer kasoo caawiyay xidiga Manchester City Fernandinho.

Willian ayaa si fiican u ciyaaray kaas oo soo bandhigay mid ka mid ah mucjisooyinkii lagu bartay xidigii hore xulka Brazil Ronaldinho Caucho kadib markii uu laba ciyaartoy si qurux badan kaga dhexbaxay.

Daafaca kooxda Galatasaray iyo xulka Turkiga Semith Kaya ayaa hogaanka u dheereeyay Brazil kadib markii uu goosha ku leexiyay kubad uu dhinac midig kasoo qaaday Danilo oo daafaca kaga ciyaara Brazil, Luiz Adriano ayaa sameeyay isku day balse waa looga hormaray daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta.

Dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta Willian ayaa gool ku tuurtay markii Neymar iyo Oscar ay si qurux badan iskula ciyaareen ka hor inta uusan Neymar si xawaare leh goosha u galin, Willian ayaana si qurux badan kubada u dhameystiray daqiiqadii 42-aad.

Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-3, oo ay ku hogaamineyso Brazil oo marti aheyd, balse isku soo noqodkii qeybta labaad ee ciyaarta Neymar JR ayaa si qurux badan ula ciyaaray Willian ka hor inta uusan si habsami leh shabaqa ugu hubsan goolkiisii labaad ee kulanka iyo goolkii afaraad ee Brazil daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta.

Macalin Dunga ayaa qaab ciyaareed fiican ku wada xulkiisa Brazil, tan iyo markii uu xilka kala wareegay Felipe Scolari oo cawaaqib xumo baahsan kala kulmay Jarmalka semi finalka koobka Aduunka.

Neymar

1415831225350_Image_galleryImage_Brazil_s_Neymar_JR_right_

DAAWO MUUQAALKA CIYAARTA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>