Steven Gerrard ayaa raali galin ka bixiyay casaankii la siiyay kulankii Liverpool guuldaro 2-1 ay kala kulantay kooxda Man United.
Halyeegan ayaa badal kusoo galay qaybii labaad balse kaliya asigoo garoonka ku jiro 43-ilbiriqsi ayaa kaarka cas la siiyay kadib markii uu qalad muuqdo ka galay Andrea Herrera.
“Ma aqaan waxa sababay, ma aqaan waxa keenay balse waa macquul inay sabab u tahay falkii la igu smeeyay markii kowaad inuu darenkeyga kaco”
“Wax badan ma dhihi karo kaliya waxaan u hadlayaa inaan raali galin ka bixiyo casaankii aan qaatay waxaana ka raali galinaa dhamaan cayaartooyda kooxda iyo taageerayaasheena qaladkii aan galay”
“Waxaan u baahanahay inaan aqbalo waayo go’aankii casaanka la iigu siiyay wuxuu ahaa mid sax ah”
“Runtii dhulka ayaan u quuray cayaartooydeyda iyo taageerayaasheyda waxaana qadaanaa masuulid buuxdo qaladkii aan galay!”
“Mudo dheer ayaan kubada kusoo dhex jiray waana aqaan qaladkan oo kale hadii uu kaa dhaco waxa uu sababi karo anigana ayaana masuuliyada guuldarada iska leh”