Sida ay qoreen warbaahinta Ingiriiska Jordan Henderson ayaa ogolaaday inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa Liverpool inkastoo uu dhawaan iska diiday heshiis uu todobaadkii qaadanayo 80,000 Pound.
Sida la rumeysan yahay haatan xidigaan waxaa lagu qanciyay in isbuucii la siin doono 100,000 Pound si uu xaadir ugu sii ahaado garoonka Anfield.
Jordan Henderson ayaa la aaminsan yahay inuu noqon doono kabtanka labaad ee Liverpool, isagoo talada kala wareegi doona Steven Gerrard oo bisha May ka socdaali doona gobolka Merseyside kadib markii uu heshiis hal sano iyo bar ah la galay LA Galaxy.
“Waan jeclahay inaan u ciyaaro Liverpool, waxaana doonayaa inaan halkaan joogo sanado badan” Ayuu yiri Jordan Henderson.
Kabtan Jordan ayaa ka dhawaajiyay in Wakiilkiisa iyo kooxda ay wadahadalo u socdaan isla markaana ay howsha soo dhamaan doonto dhawaan.
Ugu dambeyntii Jordan Henderson ayaa lagu wadaa inuu saxiixo heshiis afar sano, inkastoo haatan heshiiskiisa kooxda uu kaga haray hal sano, wuxuuna kusii sugnaan doona kooxda hadii uu dhaqan galo heshiiskaas ilaa 2020.