Kabtankii hore Liverpool Sami Hyypia ayaa ka dhawaajiyay inuu jeclaan lahaa kusoo laabashada Anfield Road si uu caawiye ugu noqdo macalin Branden Rodgers.
Liverpool ayaa shaqada ka raacdeysay Colin Pascoe oo ahaa caawiyaha Rodgers, waxaana haatan si aad ah loola xiriirinayaa booskaas Sami Hyypia inkastoo sidoo kalana la hadal hayo Rene Meulensteen.
Sami Hyypia ayaa la hadlay Guardian: “Wax weyn ayey ii ahaan lahayd inaan u shaqeeyo koox aan jeclahay, aad bey ii xiiso galin laheyd hadii Liverpool ay ku fakarto inaan caawin karo, waxaan heystaa xusuus igu weyn maalmaheygii Kooxda”
Si kastaba Sami Hyypia oo mar noqday tababaraha kooxda Bayer Leverkusen ayaa haatan laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto Anfield Road wuxuuna isaga tagay kooxda sanadii 2009.
Si kastaba xidigii hore xulka Finland waxey u muuqataa inuu kursiga Anfield fariisan doono mar kale isagoo door kale u qaban doona kooxda wuxuuna caawiye u noqon doonaa Rodgers.