Home » Maxaa Cusub » Kadib Fashilkii Simeone Maamulka Manchester City Oo Ancelotti U Arka Badalka Saxda Ah Ee Manuel Pellegrini

Kadib Fashilkii Simeone Maamulka Manchester City Oo Ancelotti U Arka Badalka Saxda Ah Ee Manuel Pellegrini


Ancelotti

 

Manchester City ayaa qorsheyneysa iney Manuel Pellegrini ku badasho Carlo Ancelotti madama ay ku hungowday helitaanka Diego Simeone oo qandaraas cusub u saxiixay kooxdiisa sida ay warineyso Sky Italia.

Macalinka cadaadiska uu saaran yahay ee reer Chile ayaa la filayaa in laga ceyriyo shaqada kooxda Etihad Stadium ku ciyaarta marka uu dhamaado xagaagan, waase hadii uu ku hungoobo inu difaacdo horyaalka Ingiriiska, waxeyna City isha ku heysaa macalinka reer talayani ee kooxda Real Madrid.

Sidoo kale Ancelotti ayaa isna laga cabsi qabaa in laga ceyriyo shaqada kooxda Real Madrid madama kooxda Los Blancos ay hoos u dhac muujisay sanadkaan 2015, inkastoo ay sanadkii hore qabsatay dunida.

Ancelotti ayaa kasoo shaqeeyay horyaalka Ingiriiska isagoo laba sanadood maamulay kooxda Chelsea wuxuuna xiligaas u qaaday Horyaalka EPL-ka hal jeer.

Ugu dambeyntii Maamulka Carbeed ee Manchester City ayaan ku qanci doonin koob la’aan inkastoo kaliya tartanka u haray Pellegrini uu yahay horyaalka EPl-ka oo 6-dhibcood iyo kulan baaqi ah looga hayo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>