Home » Maxaa Cusub » Kadib Guuldaradii Clyne & Alves Man United Oo Markaan U Weecatay Soo Xerogalinta Daafaca Everton Seamus Coleman

Kadib Guuldaradii Clyne & Alves Man United Oo Markaan U Weecatay Soo Xerogalinta Daafaca Everton Seamus Coleman


Seamus_coleman_3152126b

Louis Van Gaal ayaa ku guuldareystay inuu helo Dani Alves iyo Nathaniel Clyne kuwaas oo uu si ba’an u doonayay mudooyinkii lasoo dhaafay taasna waxey dhaxalsiisay inuu markaan u dhaqaaqo soo xerogalinta Seamus Coleman.

Dani Alves ayaa heshiiska u kordhiyay kooxdiisa Barcelona, halka Nathaniel Clyne uu kusii socdo wadadii uu ugu biiri lahaa kooxda Liverpool.

Si kastaba Louis Van Gaal ayaa markaan xooga saaraya helitaanka daafaca Everton Seamus Coleman kaas oo mid ah xirfadlayaasha dhanka midig kuwooda ugu fiican waqtigaan horyaalka Ingiriiska si uu kooxdisia ugu xoojiyo.

26-jirkaan reer Ireland waxaa sidoo kale isha ku haya macalin Pep Guardiola oo baadi goob xoogan ugu jira helitaanka daafac midig.

Xiriir wacan kama dhaxeeyo kooxaha Everton iyo Man United, marka laga reebo iney Fellaini kasoo qaateen 2013, waxeyse ka biyo diideen Baines oo uu si aad ah u doonayay Moyes waqtigii uu hayay United.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>