Cayaartooyda Real Madrid labo jab ayaa isugu darsootay kadib markii ay guuldaro kala kulmeyn kulankii El Classico sidoo kalena markii ay caasimada Spain ku laabteen waxay xidigaha kooxdan aflagaado kala kulmeyn qaar ka mid ah taageerayaashooda.
Wargeska AS ayaa sheegay in taageerayaasha Real Madrid ay isku aruursadeen xarunta tababarka kooxdan Valdebebas waxayna sugayeen inay cayaartooyda goobtaas imaadaan.
Kadib markii ay imaadeen sidoo kalena cayaaryahan walbo rabay inuu baabuurkiisa gaarka ah wato waxaa lagu bilaabay buuq iyo aflagaado qaawan.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in Grathe Bale baabuurkiisa dhibaato loo geestay halka wiilka dhalinta yar Jese isagana ay gacan isku qaadi rabeyn qaar ka mid ah taageerayaasha Real Madrid kadib markii ay dhinacyada kasoo galeyn sidoo kalena ay su’aalaha ka badiyeen!
Sidoo kale Sergio Ramos ayaa isagana is celin waayay kadib markii uu u dul qaadan waayay hab dhaqanka taageerayaashiisa wuxuuna ku yiri “Maxaa idin ku dhacay? Ma waxad u maleeseyn in sidaan ay wanaagsan tahay? Ma ahan dabci fiican, Ma ahan dabci fiican”
Balse isaga xitaa hilfaha ayaa loo qaaday mana jiro qof hadalkiisa maqlay!