Home » Maxaa Cusub » Kadib Guuldaradii Uu Biday Arsenal Macalin Wenger Oo Kula Taliyay England Iney U Wacaan Harry Kane

Kadib Guuldaradii Uu Biday Arsenal Macalin Wenger Oo Kula Taliyay England Iney U Wacaan Harry Kane


256D65CD00000578-2943817-image-a-94_1423320177413

 

Tababare Arsene Wenger ayaa kula taliyay macalinka xulka qaranka Ingiriiska Roy Hodgson inuu xulkiisa uga waco wiilka da’da yar ee Harry Kane kaas oo go’aamiyay natiijadii kulankii darbiga waqooyiga London.

Harry Kane ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay kulan ay Arsenal guuldaro kala kulantay Tottenham Hotspur iyagoo marti ku ahaa White Hart Lane.

Kane labadii gool uu ka dhaliyay Arsenal waxey u ahaayeen kuwii 22-aad,. 34-kulan oo uu u saftay kooxdiisa inkastoo uusan wali kasoo muuqan xulka England ee waaweyn.

Hodgson ayaa xaadir ku ahaa garoonka White Hart Lane xili kulanka ugu horeeya Ingiriiska ay Lithuania la ciyaari doonaan horaanta bisha March kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2016.

“Hadii aysan Ingiriiska u baahneen waa hubaal in dad kale ay siin doonaan Passport si uu ugu ciyaaro” Ayuu yiri Arsene Wenger oo tilmaamaya tayada wiilkaan.

“Kulanka xiga ee Ingiriiska waa bisha March, waxaana la ciyaari doonaa kulamo badan ka hor” Ayuu hadalkiisa ku daray Wenger.

Ugu dambeyntii Harry Kane ayey lagama maarmaan tahay in looga waco xulka Ingiriiska madama uu noqday Boqorka London isagoo min laba gool ka dhaliyay kooxaha Chelsea iyo Arsenal.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>