Kadib Iskoorka La Ligaha Gool Dhalinta Ee Messi La Wareegay Waa Kuwee 10-ka Xidig Ee Horyaalkan Ugu Goolasha Badan
Waxaa Qoray: Zakarie Abdi Mohamed
Taariikh: November 23, 2014

Madaama Lionel Messi uu noqday xidiga ugu goolasha badan ebid La Ligaha Spain kadib markii uu sedexley ka dhaliyay naadiga Sevilla kulan Barcelona 5-1 guusha ku raacday.
Waxaan idiin heynaa halyee Messi oo noqday gool dhaliyaha ugu wanaagsan taariikhda La Ligaha Spain iyo xidigaha kusoo xigaan dhanka dhalinta goolasha horyaalkan.
Hadaba hoos kaga bogo taariikh ahaan 10-ka halyee uu ugu goolasha badan La Ligaha Spain markana Messi ayaa masuul ka ah horyaalka Spain marka laga hadlaayo gool dhaliyayaasha ugu wanaagsan:
- Lionel Messi, 253-gool (289-kulan) – FC Barcelona
- Zarra, 251-gool (278-kulan) – Athletic Club
- Hugo Sánchez, 234-gool (347-kulan) – Club Atlético de Madrid, Real Madrid CF, Rayo Vallecano
- Raúl González, 228-gool (550-kulan) – Real Madrid CF
- Alfredo di Stéfano, 227-gool (329-kulan) – Real Madrid CF and RCD Espanyol
- César Rodríguez Álvarez, 223-gool (353-kulan) – FC Barcelona, Granada CF, Cultural y Deportivo Leonesa, Elche CF
- Quini, 219-gool (448-kulan) – Real Sporting de Gijón and FC Barcelona
- Pahiño, 210-gool (278-kulan) – RC Celta de Vigo, Real Madrid CF and RC Deportivo La Coruna
- Cristiano Ronaldo, 197-gool (176-kulan) – Real Madrid CF
- Mundo, 195-gool (231-kulan) – Valencia CF and CD Alcoyano