Home » Maxaa Cusub » Kadib Markii Mustaqbalkiisa Meel U Dhacay Terry Oo Hadafkiisa Yahay Inuu Jebiyo Rikoorka U Yaalo Halyee Ron Harris

Kadib Markii Mustaqbalkiisa Meel U Dhacay Terry Oo Hadafkiisa Yahay Inuu Jebiyo Rikoorka U Yaalo Halyee Ron Harris


john

Kadib markii kabtan John Terry uu heshiis cusub kooxdiisa Chelsea u saxiixay sidoo kalena la xaqiijiyay in xil cayaareedka dambe oo Stamfor Bridge baaqi kusii ahaan doono.

Laacibkan ayaa sheegay inuu haatan hadafkiisa yahay sidii u iskoorka halyee Ron Harris u jebin lahaa waana Iskoor uu mudo dheer niyada ku haayay.

Ron Harris waa laacibka ugu safashada badan Chelsea wuxuuna Blues u cayaaray 795-kulan dhamaan tartamada kala duwan halka horyaalka England oo kaliya uu saftay 657-kulan.

Sidaa darteed John Terry ilaa haatan wuxu Chelsea u saftay 661-kulan dhamaan tartamada kala duwan sidaa darteed damac weyn ayaa kaga jiro inuu iskoorkan jebin karo madaama uu 12-bilood oo dheeri ah London sii joogi doono.

Terry oo la hadlaayay Chelsea TV wuxuu yiri “Marnaba kuma fikirin inaan iskoorka halyee Ron Harris gaari karo”

“Balse haatan waa macquul waxaana hadaf ka dhigan doonaa sidii aan iskoorkaas ku gaari lahaa waxaana rajeynaa qandaraas kale inaan kooxdeyda ka helo waayo hal sano gudaheeda isoorkan kuma gaari karo”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

One Response to Kadib Markii Mustaqbalkiisa Meel U Dhacay Terry Oo Hadafkiisa Yahay Inuu Jebiyo Rikoorka U Yaalo Halyee Ron Harris

  1. saki ali Reply

    28-March-2015 at 9:13 am

    terry wuu gaadhikara waxaanan urajaynayaa heshiiskale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>