Waxaa la filaa in kooxda Real Madrid ay saxiixa goolhaye David De Gae dhameestirto maalinta Jimcada galinka dambe hadaba wargeska Marca ayaa daaha ka qaaday xidigaha ee kooxda reer Spain bartilmaameed ka dhigan doonto.
Real Madrid waxay ku mashquuli doontaa sidii ay xagaagan gacanta ugu soo dhigi laheyd g Sergio Agüero inkastoo kooxda Man City si rasmi ah u sheegtay in xidigan uusan beec ahayn.
Macalin Rafeal Benitez ayaa gudoomiyaha Real Madrid ka dalbaday in loo soo gacan galiyo xidig khadka dhexe ku wanaagsan madaama Sami Khedira uu kooxdan isaga tagay.
Sidaa darteed Real Madrid waxaa u calaameesan sedexda xidig ee kala ah Paul Pogba, Arturo Vidal iyo Lucas Biglia.
Sedexdaan xidig ayaa ka wada cayaaraan Serei A-da Talyaaniga waxaana loo badinaa in xagaagan ay kooxahooda isaga hayaami doonaan.
Vidal iyo Pogba oo Juve ka wada tirsan ayaa ah xidigaha sida weyn xagaagan magacooda loogu hayo sidaa darteed Real Madrid hadii ay qiimo raali galiyo Juventus miiska u saarto waxay u badan tahay in labadan xidig ay gacanta kusoo dhigto.
Sidoo kale Lucas Biglia oo khadka dhexe kaga cayaaro kooxda Lazio iyo xulka Argentina ayay Real Madrid ku fikireysaa inay lasoo saxiixato balse waa hadii ay ku guul dareesato helitaanka Pogba ama Vidal midkood.