Brazilian Super Star Kaka sidoo kalena laacibka aduunka ugu wanaagsan ku guuleestay sanadii 2007 ayaa ugu dambeyntii soo bandhigay kooxdiisa riyada (Dream Team).
Kaka madaama uu yahay halyee kubada cagta sanado badan sidoo kalena garoon la galay inta badan xidigaha aduunka ugu wanaagsan ayaa daaha ka qaaday 11-ka xidig ee uu aaminsan yihiin kuwa ugu wanaagsan ee kubada cagta cayaarto ama cayaari jirtay.
Waxaa la yaab ah in Kaka kooxdiisa laga waayay Lionel Messi oo 4-jeer ku guuleestay xidiga ugu wanaagsan aduunka.
Balse Kaka kooxdiisa wuxuu kusoo dara Cristiano Ronaldo oo ay siweyn u xifaaltamaan Lionel Messi.
Asigoo ka hadlayo sababta uu Messi kooxdiisa kaga reebay wuxuu yiri “Waan la cayaaray Messi sidoo kalena waa iska hor imaanay”
“Balse in badan Ronaldinho ayaa ka qatarsan sidaaas ayaana Messi kooxdeyda kaga reebay”
Hadaba hoos kaga bogo 11-ka xidig ee uu Kaka kooxdiisa riyada u doortay inay matalaan:
Goolhaye: Dida (Brazil)
Daafaca: Maldini (Italy), Nesta (Italy), Cafu (Brazil), Roberto Carlos (Brazil)
Khadka dhexe: Pirlo (Italy), Zidane (France), Iniesta (Spain)
Weerarka: Cristiano Ronaldo (Portugal), Ronaldinho (Brazil), Ronaldo (Brazil)
aatka
25-March-2015 at 6:54 pm
shaxdaan waa okey lkn halaga Messi halagu bedelo Ronaldinho