Weeraryahanka xulka France Karim Benzema ayaa markii ugu horeesay si lama filaan ah mustaqbalkiisa cayaareed uga hadlay.
Weeraryahankan awooda badan ayaa xusay suurta galnimada uu xagaagan kooxdiisa Real Madrid kaga tagi karo.
Hadalka kazoo yeeray Benzema ayaa niyad dhis weyn u noqon doono kooxda Arsenal madaama ay Gunners-ka xidigan bartilmaameed kowaad u yahay xagaagan.
Benzema ayaa la arkay asigoo kaligiis diyaarad gaar ah saran halka ay xidigaha Real Madrid ku sugan yihiin dalka China una joogaan safar cayaareed.
Benzema ayaa haatan la sadaalina inuu Madrid isaga tagi doono marba asigoo caafimaad qabo hadii uusan kooxdiisa tababarka la qaadaneynin.
Daily Mail ayaa sheegtay in Arsenal ay si deg deg ah dalab cusub oo gaarayo £40.5m u gudbin doonto dhigeeda Real Madrid.
Waxayna Arsenal ku rajo weyn tahay inay 27-jirkan tayadiisa aadka u sareyso lasoo wareegto wuxuuna Benzema diyaar u yahay inuu isbadal sameeyo.
Macalin Rafael Benitez ayaa qorsheenayo inuu Grathe Bale weerarka Madrid ka cayaarsiiyo sidoo kalena Benitez kama helo qaabka uu kubada u cayaaro Benzema.