Home » Horyaalada » La Liga Spain » Karim Benzema Oo Seegi Doona Kulanka Ugu Dambeeya Horyaalka La Liga Oo Ay Madrid La Ciyaareyso Getafe Kadib Dhawac Lasoo Darsay

Karim Benzema Oo Seegi Doona Kulanka Ugu Dambeeya Horyaalka La Liga Oo Ay Madrid La Ciyaareyso Getafe Kadib Dhawac Lasoo Darsay


Benzema

Real Madrid macalinkeeda Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay in Karim Benzema uu seegi doono kulanka sabtida ay la ciyaari doonaan Getafe kaas oo ah midka ugu dambeeya xili ciyaareedkaan horyaalka La Liga.

Wiilkaan reer France wuxuu dhaawac dhanka jilibka ah kasoo kabsaday todobaadkii hore, balse Ancelotti ayaa ka dhawaajiyay in xidigaan uu xanuun ka dareemayo muruqa bowdada taasna aysan u suuragalin karin inuu safto kulankaas.

Taa badalkeeda Chicharito iyo Jesse ayey macquul tahay in midkood uu fursad u helo inuu kusoo bilowdo, xili Madrid ay baadi goob ugu jirtaba iney guul kusoo xirto xagaagan.

Dhanka kale warbaahinta kubada cagta aya aad u hadal heysa in Ancelotti uu kulankaan u yahay midkisii ugu dambeeyay madama la aaminsan yahay in shaqada laga raacdeyn doono.

Ugu dambeyntiina Benzema ayaa la filayaaba inuu fasax ku aado dalkiisa France madama aysan jirin kulamo ay kooxdiisa ciyaareyso kadib kulanka Getafe.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>