Home » Horyaalada » La Liga Spain » Dalglish Oo Xidigiisii Hore Luis Suarez Gudoonsiiyay Abaalmartinta Kabta Dahabka

Dalglish Oo Xidigiisii Hore Luis Suarez Gudoonsiiyay Abaalmartinta Kabta Dahabka


Suarez Golden

 

Weeraryahanka Barcelona Luis Suarez ayaa gudoomay abaalmarinta kabta dahabka gooldhalinta horyaalada yurub kana gudoomay macalinkiisii hore Liverpool Kenny Dalglish.

Kenny Dalglish ayaa ku yimid codsi xidigiisa ka yimid isagoo u duulay Barcelona halkaas oo abaalmarinta lagu siinayay Suarez oo 31-gool u dhaliyay Liverpool xagaagii tagay, inkastoo akoonkiisa goolasha Liverpool tartamada caalamiga ah uusan wali furin madama uusan kulan heer caalami ah u safan.

Luis Suarez wuxuu kusoo laaban doonaa garoomada 24-ka October, waana marka uu dhamaanayo ganaaxii afarta bilood ahaa ee ay kusoo rogtay FIFA, waxeyna kusoo aaday xili kooxda ay kulan darbi ah la yeelan doono 24-saacadood kadib Real Madrid waana kulanka aduunka laga wada sugayo ee El-Clasico.

Weeararyahanka reer Uruguay ayaa ku faraxsanaan lahaa inuu muuqaal ku yeesho kulanka El-Clasico, “Waxaan ciyaaray laba kulan oo saaxiibtinimo, waxaana dareemayaa si fiican 100% taam ayaan ahay” ayuu yiri Suarez.

Dhanka kale Kabtanka Liverpool Steven Gerrard oo saaxiib qaali ah la ah Suarez ayaa usoo duubay xidigaan muuqaal uu ugu hambalyeynayo isagoo leh:

“Aad baan uga xumahay inaanan la joogin Suarez, balse waxaan jeclahay inaan ugu hambalyeeyo iyo qof walba oo ka tirsan Liverpool”

Ugu dambeyntii Suarez ayaa markiisii ugu horeysay qaadanaya abaalmarintaan isagoo ka mid noqday weeraryahanada ugu wanaagsan dunida kubada cagta waqtigaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>