Home » Maxaa Cusub » Kevin Campbell Oo La Hadlay Arsene Wenger: “Hadaad U Baahan Tahay Ku Guuleysiga EPL-ka Soo Iibso Cavani ama Zlatan”

Kevin Campbell Oo La Hadlay Arsene Wenger: “Hadaad U Baahan Tahay Ku Guuleysiga EPL-ka Soo Iibso Cavani ama Zlatan”


zlatancavani

Halyeeygii hore Arsenal Kevin Campbell ayaa la hadlay macalin Arsene Wenger isagoo u sheegay inuu soo iibsado midkood Ibrahimovic iyo Cavani hadii uu doonayo inuu ku guuleysto horyaalka Ingiriiska xagaaga soo aadan.

Wenger kooxdiisa waxey ku dhameysaneysaa kaalinta sadexaad xagaagan, inkastoo kulamadii ugu dambeeyay ay aad u qaab qurxoonayeen hadana weerarkooda ayaan aheyn mid aad u dhameestiran, horaantii bishaan ayey aheyd markii Henry uu dhaleeceeyay qaab ciyaareedka Giroud isagoo Wenger u sheegay in xidigaan uusan ugu filneen weerarka kooxda.

Si kasaba ha ahaatee Kevin Campbell ayaa Henry ku raacay in Giroud uusan ku filneen weerarka kooxda isagoo kula taliyay inuu midkood bangiga u jabiyo Ibrahimovic iyo Cavani oo laga yaabo iney xagaagan ka tagaan PSG.

Sidoo kale Campbell wuxuu qiray in Peter Cech uu yahay goolhaye wanaagsan isla markaana awood kusoo kordhin kara Arsenal.

Ugu dambeyntiina Kevin Campbell ayaa u sheegay Wenger in Geoffrey Kondogbia uu yahay xidig ku haboon qadka dhexe.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>